IGAD oo Isku Raacay in Bisha Maarso 2002 Shirweyne Soomaaliyeed Laguqabto Kenya
Khartoum, Sudan | Janaayo, 11, 2002
Wararka maanta (Jan 11) ka imanaya caasimada dalka Suudaan ee Khartuum, oo ay shir laba maalmood ah ku leeyihiin hoggaamiyayasha toddobada dal ee ku bahoobey IGAD,
ayaa sheegaya in shirkaasu uu isku raacay in shirweyne Soomaaliyeed lagu qabto caasimada dalka Kenya ee Nairobi, shirkaas oo lasheegay in uu dhici doono bisha Maarso ee sannadkan 2002.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Al-Bashiir ayaa shalay furitaankii shirka IGAD ammaan ballaaran u soo jeediyey madaxweynaha dalka Kenya Moi, taas oo uu ku amaanay sida uu isugu taxalujiyey geedi socodka nabada ee Soomaaliya. EEG: [Igad: Bashir Praises Moi].
Waxa kale oo madaxweyne Al-Bashiir uu niyad wanaagsan ka muujiyey in dhibaatada Soomaaliya xal nabadeed loo heli doono sannadka 2002.
EEG East Africa summit agrees Somalia talks
IGAD oo Soomaalida ugu baaqday in ay Ladagaalamaan Argagixisada
Madaxda dawladaha IGAD ayaa Jimcadii (Jan 11)
ugu baaqay DKG iyo dhammaan qaybaha Soomaalida in ay la dagaalamanaan argagixisada noocay doontoba ha ahaatee.
Waxa kale oo IGAD caalamka kale ugu baaqeen in ay IGAD kala qayb qaataan sidii nabad loogu heli lahaa Soomaaliya.
EEG [Somalia Urged to Fight Terrorism]
Dhanka kale sida ay ku warantay hay'adda Reuters, Madaxweynaha DKG, Cabdiqaasim S. Xasan ayaa sheegay in "Borabagaandaha maraykanku uu cabsi geliyey Soomaaliya". Taas oo uu yiri borobagaandahaas oo ah in Soomaaliya lagabixiyey sawir ah in ay noqonkarto meel hoy u ah kuwa raacsan Osama bin Laden.
Sida wakaaladu ay sheegtay C/Qaasim waxa uu waraysi uu Khartuum oo uu kaga qayb galay shirkii IGAD uu ku sheegay in "Dadka ay cabsi gelisey waddanka dunida ugu xooga weyn
oo cabsi gelinaya wadanka dunida ugu faqiirsan oo dagaalka ahliga ah uu aafeeyey 10 sano"
Waa sida warku u dhigaye. EEG: Somali Ruler Says Country 'Terrorized' by U.S.
Dhanka kale sida ay ku warantay hay'adda wararka ee shiinaha, waxaa dalka faransiisku u diray jabuuti laba diyaaradood oo kale si ay u ilaaleeyaan Soomaaliya si aysan saldhig ugu noqon al Qaeda. EEG France Dispatches More Surveillance Aircraft to Watch Somalia
Waxa kale wararku sheegeen in afhayeen u hadlayey wasaarada difaaca faransiisku uu sheegay in aysan qaadin wax xad-gudub ku ah hawada Soomaaliya.
Waxaa kale oo lagusoo waramay in Jabuuti iyo Jarmalku ay kala saxiixdeen qoraal ujeedadiisu tahay fahamka waxa ay ciidanka jarmaku ka qabanayaan Jabuuti. Waxaa qormadaas kala saxiixday Xaawo Axmed Yuusuf, oo ah kusimaha wasiirka arimaha dibada iyo Lutz Feldt, oo ah kuxigeenka taliyaha sare ee markabka {Admiral-xigeen}, qormadaas oo Jarmalka u ogolaaneysa in ay adeegsadaan dekeda Jabuuti si ay u fuliyaan hawlahooda ilaalada.
Dhinaca Talyaaniga oo kamida Gumaystayaashii Soomaaliya waxaa lagasoo weriyey in uu Talyaanigu sheegay in ay muuqato fursad taariikhi ah oo Soomaaliya
nabad lagu gaarsiinkaro.
EEG Italy sees "historic" chance for peace in Somalia
DOODFURAN: Sidee u aragtaa shirka Nairobi lagu qabandono Bisha Maarso 2002.
Ra'yigaaga si toos ah u dhiibo - GUJI
Shirkii IGAD oo Ka Furmay Khartuum
Khartoum, Sudan | Janaayo, 10, 2002
Maanta oo taariikhtu tahay Janaayo 10, 2002 ayaa shirkii IGAD oo ay ka qayb galayaan toddobada waddan ee ku jira IGAD ka furmay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.
Shirkaan oo soconaya laba maalmood (Jan 10- jan 11, 2002) waxaa ka qayb gelaya hoggaamiyayaasha wadama
Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Soomaaliya, Sudan iyo Uganda.
Shirkan oo looga wada hadlayo arimaha Gobolka (inta kujirta IGAD), waxaa ugu weyn qodobada lagusoo qaadi doono argagixisada caalamka.
Mar uu madaxweynaha Suudaan, Cumar Xassan al-Bashiir, ka hadlayey furitaankii shirkaas waxa uu aad u cambaareeyey argagixisada caalamka oo uu yiri waxaan arintaas kala midaysanaha dunida inteeda kale.
Sida ay wararku sheegayaan, waxaa shirku muhiimadiisa ugu weyn siin doonaa arimaha xal u helida Soomaaliya.
Wasiirka arimaha dibadda ee Suudaan, Mustafa Cusman Ismaaciil, waxa uu warbaahinta u sheegay in "uu madaxweyne bashiir kafilayo in uu isku deyayo in shirkani uu abuuro wado loo dhaqaajiyo dhanka nabada iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya".
Madaxweynaha DKG wuxuu weriyayaal u sheegay in in uu rajaynayo in meel dhexe (oo cidwalba u cutanta) la isugu yimaado si loo helo nadab dhammaan gobolka ah".
Sida ay ku warantay hay'adda wararka ee reuters, waxaa Soomaaliya horay ugu eedaysay Itoobiya in ay ciidamo ku taageertay hogaamiyaal kasoo horjeeda DKG, laakiin sida warku sheegay Meles Zenawi oo shirkan ka qayb gelaya waxa uu diidey in uu ka jawaabo su'aalo arintaas ku saabsan. waa sida warka reaters u dhigaye.
EEG: [Seven African leaders to meet on terrorism]
Xoghaya Qaramada Midoobey oo Wadamada Bariga Afrika ugu Baaqay in ay Kobciyaan Nabada Soomaaliya
Kofi Annan
|
Xoghaya Qaramada Midoobey Kofi Annan ayaa Khamiistii (jan 10) ugu baaqay toddobada wadan ee kushiraya Khartuum in ay taageeraan geedi socodka nabada ee Soomaaliya, isagoo ugu baaqab taareeda qaramada midoobey.
Dhambaalkaan oo Annan u diray shirka Khartuum, waxa uu ku sheegay in wadamada IGAD iyo wadamada kale ee gobolku ay ka qayb qaadankaraan isku dayga nabada Soomaaliya.
Kofi Annan waxa uu yiri Qaramada Midoobey waxay caawineysaa Soomaaliya si ay u gaarto horumar nabadeed, isaga oo kudaray in dhanka laga caawinayo ay ka mid tahay horumarinta dib u dhiska dalka, dagaalka kabacdi hadii xaaladda ammaanku ogolaato.
EEG: [East African Countries Must Help Foster Peace in Somalia: Annan]
Ururka Midowga Carabta oo Walaac Kamuujiyey dagaalka Dabada Dheeraaday ee Soomaaliya iyo Suudaan
Camar Muusa
|
Xoghayaha Ururka Midowga Carabta, Camar Muusa [Amr Moussa] oo maanta ka hadlay xafladii furitaanka shirka IGAD ayaa muujiyey sida uu diyaarka ugu yahay lashaqaynta dhammaan dhinacyada ay khuseyso si xal nabadeed loogu helo dhibaatooyinka labada dal [Soomaaliya iyo Suudaan].
Lab-iyo-labaatanka (22) waddan ee ku jira ururka Carabta ayaa ugu yeeray wada shaqayn xeel dheer wadamada Afrika ee kujira ururkaas, waa sida uu sheegay Camar Muuse, taas oo uu ku daray in wada shaqayntaasi ahaato mid ah dhaqan-dhaqaale iyo mid dhaqameed iyo xallinta dhibaatooyinka caamka ah.
DOOD FURAN 2002 IGAD
|
|
Camar Muusa waxa uu sheegay in wadamada midowga Carabtu ay dareensanyihiin dhibaatooyinka Afrikaanka, taas oo uu sheegay ka qaybgalka ururka midowga Carabtu uu shirkaan ka qayb galay ay tahay waji cusub oo wada shaqaybta iyo is-dhexgalka" taas oo la eegayo dhibaatooyinka caamka ah iyo wax wada qabsiga guud.
EEG: [Arab League Concerned Over Continued Conflicts in Somalia, Sudan]
DoodFuran:
Xalka Soomaaliya 2002: Sidee u aragtaa
Janaayo 10, 2002
. Dagaal Oogayaashii Soomaaliya Oo Isku Afgartay in ay ka Qayb Galaan Shirka Khardum.
. SOMALIA AND WORLD NEWSPAPERS [ENGLISH.VERSION]
. Analysis: Somalia's powerbrokers [BBC.Peter Biles]
. Ethiopian Forces Withdraw From Somalia [AUDIO Listen VOA]
. Ethiopia troops leave Puntland TEXT [CNN]
. U.S. Attack Unlikely" Abdulkassim Salat Hassan
. Powell singles out Somalia - [washington Times]
. U.S. places little trust in Somali terror 'tips'
. Newsweek Interview: Hassan Abshir Farah PM of Somalia's TNG
. Pentagon denies report that US is preparing to bomb Somalia
FAAFIN: SOMALITALK.COM | 2002